
qaato kabaha dahabka Euro 2012, ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay Germany
habeenkii khamiista taasoo sababtay in ninkii ugu dhawaa ee la tartamayay Mario
Gomez uu daaqa ka baxo.
Ilaa iyo afar ciyaartoy kale ayaa la wadaagtay Mario Balotelli min seddex gool,
lakiin afartaasi kale waa ay ka hareen tartanka Euro 2012.
Si kastaba, Balotelli ayaa leh fursad uu haatan kaga fogaado ciyaartoyda kale ee ay
isku goolasha yihiin marka axada ay finalka wada ciyaaraan xulka Spain.
Dhanka xulka La Roja seddex ka mid ah ciyaartoyda Vincente del Bosque ayaa iyagana rajo
ka qaba inay qaataan kabaha dahahbka Euro 2o12, iyadoo Fernando Torres, Cesc
Fabregas iyo Xabi Alonso ay dhamaantood shabaqa soo taabteen min labo jeer.
Labo ka mid ah saaxiibada Balotelli ayaa iyagana fursad meel dheer ah leh, iyadoo
Andrea Pirlo iyo Antonio Di Natale ay labadoodaba dhaliyeen min gool.
Hadii min seddex gool lagu dhameysto tartanka abaalmarinta waxa ay aadi doontaa
ciyaaryahanka ugu caawinta badan goolasha, hadii taas isku mid laga
noqdana waxaa lagu kala saari doonaa ciyaaryahanka ciyaaray daqiiqadaha ugu yar
ee tartankaan.
Sidaasi darteed, yaad u maleyneysaa in loo caleemo saari doono gooldhaliyaha koobka Euro
2012?