
Ciyaaraha Euro 2012 ayaa ka bilaaban doona Warsaw maalinta jimcaha, waxaana lagu soo gabagabeyn doonaa Kiev 1da bisha July.
Lix iyo toban xul ayaa ka qeybgalaya koobkaan, oo ay ku jiraan xulka difaacanaya Spain iyo xulalka sida wadajirka ah u martigelinaya koobkan ee Poland iyo Ukraine.
Lakiin yaa gacmaha ku dhigi doonaa koobkaan maalinta 1da July?
Ilaa iyo haatan waxaa afka lagu hayaa in Germany, Spain iyo Netherlands ay ugu cadcad yihiin koobkaan, lakiin waxaa sidoo kale ka qeybgalaya France, Italy, England, Portugal, Croatia, Sweden, Denmark, Russia, Greece, Czech, Republic of Ireland, Ukraine iyo Poland.
Hadaba yaad u sadaalin laheyd in koobka Euro ay la hooyan doonto? ka qeyb qaado codbixinta hoose, islamarkaana fekerkaaga inoogu reeb qeybta hoose ee fekradaha.
Yaa Ku Guuleysan Doona Euro 2012?
Spain