
Howl adag ayaana sugeysa kooxda martida ah iyadoo Real Madrid ay hogaanka u heyso La Liga islamarkaana kaliya hal jeer lagu hor garaacay taageerayaashooda xilli ciyaareedka oo dhan.
Si kastaba, Los Blancos waxaa ka maqnaan doona Cristiano Ronaldo kaasoo uu u bilaabanayo ganaax labo kulan ah ka dib markii uu laaday xiddiga Cordoba Edimar kulankii ay isbuucii hore 2-1 kaga badiyeen kooxda ku cusub xilli ciyaareedkan La Liga.
Madrid ayaana lagu qasbay kulankaas inay sugto ilaa iyo xilli danbe inay hesho guusha, iyadoo Gareth Bale uu ismuujiyay markii Ronaldo casaanka la siiyay isagoo rigoore dhaliyay xilli danbe ciyaarta.
Carlo Ancelotti ayaa rajeynaya in xiddiga reer Wales oo xilli ciyaareedkan mararka qaar lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkiisa ama go’aan qaadashadiisa inuu mar kale buuxiyo booska uu baneeyay xiddiga reer Portugal.
Inkastoo uu ka maqan yahay Ronaldo, Madrid ayaa heysata awood ay koox walba dhibaatada adduunka ugu abuurto, waxaana guul ay gaaraan markii afaraad oo isku xigta ay ka caawin doontaa inay si ku meel gaar ah hogaanka horyaalka ugu sii qabtaan afar dhibcood madaama Barca ay ciyaareyso berrito.
Kaliya Atletico ayaa Real ka horjoogsatay inay ku badiyaan Bernabeu xilli ciyaareedkan, halka ay badiyeen lix kulan oo isku xigta horyaalka oo ay ku ciyaareen gurigooda, iyagoo mudadaas dhaliyay 24 gool halka laga dhaliyay kaliya seddex gool.
Isco, Pepe iyo Luka Modric ayaa dhamaantood shaki ku jiraa taasoo la micno ah in Sami Khedira iyo Raphael Varane inay sii ceshan doonaan booskooda shaxda kooxda.
Kulanka: Real Madrid v Real Sociedad
Garoonka: Santiago Bernabeu
Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika
SHAXDA MACQUULKA AH:
Real Madrid: Casillas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Khedira, Kroos, Rodriguez; Bale, Benzema, Jese
Real Sociedad: Rulli; Elustondo, Gonzalez, Martinez, Yuri; Granero, Pardo, Vela, Prieto, Canales; Agirretxe