
Gool uu dhaliyay Arjen Robben wax yar ka hor dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaa kala saartay labada kooxood, iyadoo goolhayaha Borussia Dortmund Roman Weidenfeller uu fursado badan oo dahabi ah ka badbaadiyay kooxda FC Hollywood.
Lakiin daqiiqadii 43aad ee ciyaarta ayaa shaki galay daafaca Marcel Schmelzer waxa ay u ogolaatay Philipp Lahm inuu quudiyo Robben kaasoo isna kubada shabaqa ku hubsaday.
Ciyaarta oo xamaasad laheyd ayaa Bayern Munich ay u dabaaldegtay si weyn, madaama mudooyinkii u danbeysay ay ku adkeyd inay ka talaabsadaan kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Borussia Dortmund.
Dhanka kale kooxda Freiburg ayaa iyadana ku gudubtay semi-finalka ka dib markii ay 3-2 kaga talaabsatay Mainz, halka Stuttgart ay iyadana 2-0 dirtay kooxda Bochum.