
Wargayska Bild ee kasoo baxa Germany ayaa shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Bayern Munich ay u soo ban dhigeen laacib kaan heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono kooxda Bayern Munich ilaa June 2018 isagoona qaadan doona isbuucii 250 Kun oo Ganni.
Maamulaha qaybta dhaqaalaha u qaabilasn kooxda Bayern Munich Jan-Christian Dreesen ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan siino Kroos lacagaha uu dalbanaayo, waxaan rabnaa inaan sii haysano laacib kaan, dhabtii qadarin wayn ayaan u haynaa qaabciyaareed kiisa wanaagsan ee uu ku suu muujinaayo kooxda”.
David Moyes tabaraha kooxda Man United ayaa horay ugu soo bandhigay laacib kaan mushaar kaan mid la mid ah, Guardiola ayaana u arka in lasiiyo laacib kaan 24 jir ka ah lacagta ay doonayso inay siiso Man United si uusan uga tagin kooxda.