
Garoonka: Emirates Stadium
Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika
Kooxda difaacaneysa koobkaan islamarkaana ku guuleysatay 11 jeer Arsenal ayaa la filayaa inay ciyaarsiiso kulankiisii ugu horeysay saxiixoodii bishii Janaayo Gabriel Paulista kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Middlesbrough wareega 5aad ee FA Cup.
Per Mertesacker ayay u badan tahay inuu booska u baneyn doono, halka goolhaye Wojciech Szczesny ay u badan tahay inuu ku soo bilowdo oo uu booska kala baxo goolhayaha koowaad David Ospina.
Middlesbrough waxaa ka maqnaanaya xiddigaha aan koobkaan u ciyaari karin ee khadka dhexe Adam Forshaw iyo daafaca Daniel Alaya kaasoo dhaawac ah.
Daafaca amaahda uga soo maqan Chelsea Tomas Kalas ayaa dhaawac ah waxaana ay u badan tahay inuu seegi doono kulankaan.
Daafaca bidix George Friend ayaa ka soo laabanayaa xumad la ildarnaa, sidoo kale daafaca amaahda uga soo maqan Tottenham Ryan Federicks ayaa isna soo laabanaya.
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa yiri isagoo ka hadlaya muhiimada koobkaan uu siiyo: “Anaga muhiim ayay noo tahay markastana FA Cupka si adag ayaan ugu tartanaa. Markasta kuma guulaysano laakiin waxaanu ku guulaysanay shan jeer intii aan kooxda joogay. Ma jiro qof intaa in ka badan ku guulaystay 18 kii sano ee ugu danbaysay sidaa daraadeed si xoogleh ayaanu ugu tartanaa, mararka qaar ayay Champions Leaque-ga naga dhibaataysaa.
“Marar badan ayuu FA Cupku ka soo horeeya Champions Leaque-ga, tusaale ahaan todobaadkan waxaanu ciyaaraynaa FA Cupka hadibna waxaanu ciyaaraynaa Champions Leaque-ga. marar badan ayaanu FA Cupka ciyaartoy ku waynay. Waxaan xusuustaa marmkii aanu man United FA Cupka la ciyaarnay ee aanu haddana saddex maalmood kadib Chelsea Chanpions Leaquega la ciyaarnay”.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Arsenal: Szczesny; Bellerin, Koscielny, Gabriel, Gibbs; Coquelin, Flamini; Walcott, Cazorla, Rosicky; Welbeck
Middlesbrough: Konstantopoulos, Whitehead, Omeruo, Woodgate, Gibson, Clayton Friend, Adomah, Vossen, Reach, Bamford
MA OGTAHAY?
- Waa markii sideedaad oo ay Arsenal iyo Middlesbrough isku soo aadeen koobka FA Cup, iyadoo Arsenal ay badisay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay halka Boro ay badisay labo kulan.
- Kooxda Gunners ayaa laga badiyay hal kulan oo ka mid ah 40kii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup ee ay ku ciyaareen garoonkooda, 30 ka mid ah waa ay badiyeen.