
Warar ayaa tilmaamaya in Mancini uu ka tagayo City dhamaadka xilli ciyaareedkaan ka dib markii kooxdiisa ay si fudud uga hareen Champion-ka isla markaana ku guul dareystay in kooxdiisa xilli ciyaareedkaan hogaanka xajistaan .
Tababaraha Ajax ayaa haatan niyad jabsan isaga oo u arka kooxdiisa Ajex koox u nugul in ay iska iibayaan ciyaartooyda taasina ay keeneyso in kooxda uu ka huleelo , iyadoo uu kooxdaas uu qabtay sanadkii 2010-ka .
Xidigaha sanadihii ugu dambeeyay ka soo tagay Ajex ayaa haatan bartilmaameed u noqday kooxaha ugu weyn qaarada yurub waxaan ka mid ah Luis Suarez .
Wargeyskaan ayaa ku adkeysnaya in Man City ka go`an tahay in kooxda keeneen Frank de Boer inkstoo tababarahaan Man City ku cel celiyay in uusan ka socon kooxda uuna kula joogo hishiis weli uu waqti ka harsan yahay .