
Garoonka: Nou Camp
Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika
El Clasico…. Ugu danbeyn waxaa la soo gaaray kulankii aan sugeynay in muddo ah, waa kulan kaliya ee kubada cagta ee ugu hadal heynta badan marka ay timaado kooxaha kubada cagta, waana kulan xiisad iyo xamaasad leh marka loo fiiriyo xiddigaha garoonka soo galaya, xurgufta kubadeed iyo siyaasadeed ee u dhaxeysa labada kooxood. Waa kulan kubad farsameysan oo lagu raaxeysto iyo goolal cajiib ah laga filan karo, waana kulan inta badan go’aan ka gaara halka uu u jiheysanayo horyaalka La Liga.
Macalinka Barcelona Luis Enrique ayaa ka rajeynaya weeraryahankiisa Lionel Messi inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa fiican ee uu ku jiro marka kooxdiisa ay martigelineyso caawa kooxda Real Madrid kulanka sida weyn caalamka looga sugayo ee El Clascico. Messi ayaa si weyn loogu amaanay qaab ciyaareedkiisii Manchester City ee bartamihii isbuucii hore isagoo ka caawiyay kooxda Azulgrana inay u soo baxdo wareega 8da Champions League.
Guushaas ayaana aheyd sii socoshada guulaha kooxda ee tartamada oo dhan, iyagoo badiyay sagaal ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay La Liga taasoo keentay inay dhibic ka sarre maraan Real Madrid. Enrique waxaa ka maqnaan doona xiddiga khadka dhexe Sergio Busquets kaasoo weli ka soo kabsanaya dhaawac canqowga ah, laakiin goolhaya Claudio Bravo ayaa goolka ka bedeli doona Marc-Andre ter Stegen.
Real Madrid ayaa soo booqaneysa Camp Nou iyagoo helay todoba maalmood oo ay ku nastaan islamarkaana ay firfircooni ku dareemaan ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Levante kulankoodoo ugu danbeysay ee horyaalka. Natiijadaas ayaana muhim u aheyd ka hor kulanka Nou Cap, laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa ka warqaba muhiimada kulankaan, haddii ay badiyaan waxa ay ku soo laabanayaan hogaanka La Liga, waxaana ay dib u helayaan kalsoonidooda, laakiin guuldarro soo gaarta waxa ay keeni doontaa in Barca ay afar dhibcood ku qabato hogaanka islamarkaana uu macalinka Talyaaniga ku sii dhawaado albaabka looga baxo Santiago Bernabeu.
Xiddiga garabka ka ciyaara Gareth Bale ayaa dhaliyay labo gool isbuucii hore isagoo aamusiyay kuwii shakiga gelinayay qaab ciyaareedkiisa, laakiin xiddiga reer Wales waxa uu u baahan yahay inuu qaab ciyaareed weyn soo bandhigo kulanka ay caawa kooxdiisa la ciyaareyso cadowgooda ugu weyn ee kubada cagta. Xiddiga khadka dhexe Toni Kroos ayaa la filayaa in dib uu ugu soo laabto shaxda isagoo bedelaya Lucas Silva, laakiin Raphael Varane ayay u badan tahay inuu kursiga keydka ku bilaaban doono.
SHAXDA MACQUULKA AH:Barcelona: Bravo; Alves, Pique, Mathieu, Alba; Mascherano, Iniesta, Rakitic; Neymar, Messi, Suarez
Real Madrid: Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Modric, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo