
Kabtanka Blues ayaa shirka jaraaid furay, wuxuu sheegay in hadafkiisa bilowga xilli ciyaareedka ay aheyd inuu gaaro Final ka Champions League, wuxuu kaloo sheegay inuu qatar uheystay dhawaciisa uusana aaminsaneen markii hore inuu ciyaari doono xilli ciyaareedka inta kadhiman.
Terry ayaa sheegay inaysan jirin wax ka muhiimsan champions League “Kooxda hormar ayey sameeneysaa sanadba sanadka kadanbeeyo, taasna waxey muujineysaa shaqada aan qabaneeno, kooxda waxaan joogay taniyo markaan jiray 14 sano, waxaana rabaa inaan sii joogo illaa maalinta udanbeeso ee xirfadeeda kubada cagta”.
Terry ayaa aaminsan inuu sii ciyaari karo sanadka soo socda, wuxuu sheegay inuu jecel yahay in maalinta arbacada uu taageerayaasha Chelsea uhadiyeeyo guul si a ufarxaan “Kulamadaan oo kale waxaa fiican inaadan hadalka badinin, ciyaaryahan walba wuu garanayaa macnaha ay uleedahay waqtigaas”.
Dhanka kale Mourinho ayaa kahadlay shirka jaraaid, wuxuu sheegay in Atletico ay tahay koox adag, si wanaagsan udifaacanto, kulamada guuleesato, wuxuu sheegay in kudhawaad ay qaaden horyaalka Spain “Hazard waa diyaar lkn go’aanka aniga ayaa iska leh haddi aan kusoo bilaabi doono iyo haddi kale, waa kulan nag-har ah (kooxdi laga badiyo ay hareeso), ciyaar hal gool ay noqon karto natiijo kufilan, qof walba waa inuu qaab fiican uciyaaro”.
Wuxuu sheegay in 90 ka daqiiqo agtiisa ay ciyaaryahanadu qaali kuyihiin, uuna ku kalsoon yahay”Kulankii PSG wax ino harsanaa majirin, balse kulankaan labada koox waa isku mid, waa isku fursado, koox kafiican midda kale majirto”.
Wuxuu sheegay in talaadadi shalay uusoo wacay Brendan Rodgers uuna ugu hambaliyeeyay qaab ciyaareedkii wanaagsan iyo natiijada kooxdiisa ay kugaartay Anfield “Kooxda aan si fiican udifaactamin maheleeso fursado badan ay kubadiso ciyaarta, koox aan isku dheeli tirneen koox mahan” wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Kabtanka kooxdeyda waxba iskama badalin, wuxuu uciyaarayaa sidu uciyaari jiray marka kooxda katagay 2007-2008, wada ciyaarsiinta isaga iyo Cahill waa wax aan larumeesan karin, wuxuu istaahila kabadan hal Champion, kulanka barina wuu kusoo bilaabanayaa”.