
Sida ay warbixinta sheegeyso kooxda macalin jose Mourinho ayaa ah kooxda ugu badan e ka hortagto go’aanada garsoorayaasha waxa ayna dhowr jeer eedeymo kala kulmeen dadka Sport xiiseeya iyo falaaqeeyeyaasha kubada cagta
Shaqaalaha tababarka ee caawiya Mourinho ayaana lugu qiimeeyay kuwa labaad ee ugu xun marka la eego warbixintaan oo ay soo tabisay Daily Telegraph taasoo sidoo kale muujineysa in kooxda Liverpool ay tahay kooxda ugu xushmada badan marka la eego ixtiraamista go’aanada garsoorayaasha waxaana soo raaca Burnley iyo West Brom
Sunderland, Arsenal iyo Stoke City ayaa qiimeynta door fiican ku laheyn kadib markii u wafdiga qiimeeyay dhaqanka kooxaha premier league, sidoo kale wafdiga ayaa dhaqan galinayay “dhaqan wanaaga, oo ay kamid tahay aqbalista go,aanada uu shakiga ku jiraan xitaa”
Qiimeynta xushmeynta go,aanada garsooreyaasha Premier league
PREMIER LEAGUE RESPECT MARKS TOWARDS REFEREES THIS SEASON Chelsea159Everton172Sunderland161Manchester United173Arsenal167Queens Park Rangers175Stoke City167Newcastle United175Aston Villa168Manchester City176Hull City168Crystal Palace176Tottenham Hotspur170West Ham United176Swansea City171West Bromwich Albion179Leicester City172Burnley179Southampton172Liverpool181Dhaqanka caadiga ah ee kooxaha ayaa ah in la ixtiraamo dhamaan qawaaniinta iyo go,aanada garsooreyaasha kooxaha ayaana laga doonayaa iney si fiican u aqbalaan go,aanada, sidoo kale waxaa la qiimeeyaa dhaqanka macalimiinta iyo caawiyeyaashisa