
Xulka Mareykanka ayaa badiyay shantii kulan ee ugu danbeysay ee ciyaaro heer caalami oo ay ku jirto kulankii todobaadkii hore ee ay 5-1 ku dubteen xulka Scotland, lakiin waxaa dhulka dhigay ciyaartoy da’da yar oo reer Brazil ah kuwasoo isku diyaarinaya ciyaaraha Olimpikada ee London.
Neymar ayaa goolka hore furay ka dib daqiiqadii 12aad, isagoo si xarago ah shabaqa ugu hubsaday laad xor ah, ka dib markii uu si kama ah gacanta kubad ugu taabtay daafaca USA Oguchi Oneywu isagoo ku jira diilinta ganaaxa.
20 jirka Neymar ayaa sidoo kale gacan weyn ka geystay goolkii labaad ee Brazil ka dib markii kubad uu soo qaaday uu madaxa ku dhaliyay kabtankii ciyaarta Thiago Silva kaasoo daba mariyay goolhaye Tim Howard.
Xulka Mareykanka oo bartamaha kaga jira isku kululeyntooda isreebreebka koobka adduunka ayaa hal gool soo ceshtay ka hor dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii uu shabaqa gool dhex dhigay Herculez Gomez.
Mareykanka ayaa abuuray fursado dhowr ah qeybtii labaad ee ciyaarta lakiin waxaa beeniyay goolhaye Rafael, kaasoo kulankiisii ugu horeeyay qaab cajiib ah la soo baxay.
Brazil ayaase ku adadkeyd kubada marka ay fursado hesho. Neymar ayaa kubad u dhigay Marcelo kaasoo isna shabaqa si sahlan u dhex dhigay daqiiqadii 59aad ee ciyaarta.
Alexandre Pato oo bedel ku soo galay ayaana dhaliyay goolkii afaraad ciyaarta oo ay ka dhiman tahay seddex daqiiqo.