
Xiddiga reer Uruguay ayaa si aad ah loogu tiriyaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee ka xamaasha England, laakiin waxa uu dhibaato ku wajahay Ingariiska intii uu joogay Premier League, isagoo ganaaxyo sideed kulan iyo 10 kulan ah la kulmay.
Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League, sidaasi darteed ciyaaryahankii hore ee Ajax ayaa lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo ay ku jirto Real Madrid.
Iyadoo Suarez iyo dad badan oo xiriir la leh Liverpool ay aaminsan yihiin inuu jiro ajende saxaafada iyo FA-ga uga soo horjeedaan ciyaaryahanaka, waxa uu sheegay in laga yaabo inuu ka dhaqaaqo England.
“Waxaan la hadlay wakiilkeyga, waana adkaan doontaa in maya lagu dhaho Real Madrid” ayuu Luis Suarez ku sheegay wareysi uu siiyay idaacada Isbaanishka ee Cope iyadoo wareysigaas uu qaaday wariyahooda Latin America Martin Charquero.
“Waan ku faraxsanahay Liverpool, waan jeclahay kooxda, wax aan amaan aheyn uma hayo taageerayaasha laakiin sannadkan aad ayay ugu adkeyd, xaaskeyga iyo gabadheydaba.
“Waan la hadlay Brendan Rodgers waana uu ogyahay waxa aan rabo. Waxaan leeyahay qoys, gabar diyaarna uma ahi inay sidaan igula sii dhaqmaan saxaafada Ingariiska.”
Si kastaba, Suarez ayaa beeniyay inuu durbaba wadahadal kula jiro kooxda aan tababaraha laheyn ee Real Madrid sida lagu sheegayay saxaafada Spain.
“Ilaa iyo haatan wax dalab rasmi ah kama helin Madrid” ayuu yiri Suarez.
Suarez ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Atletico Madrid, Juventus, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain.