
Waayo halyeeygaada ciyaaraha?.
Aad ayaan unasiib badanahay maadaama aan ka garab ciyaaray halyeeygeyga ciyaaraha Pirlo, mmarna ma qarin inaan doonaayo inaan noqdo sidiisa oo kale, wax walbo ayuu kuguuleestay isagoo kaciyaarayo boos muhiim ah.
Haddii aadan ciyaaryahan ahaan laheen maxaad dooran laheed inaa noqotid?.
Marka lafiiriyo da’da aan kubilaabay ciyaaraha marna kama fikirin su’aashaas, waxaan usocdaa inaan ciyaaro koobka adduunka, waxaan kufaraxsanahay inaan weligey kafikirin su’aashaas oo kale.
Waqtiga ugu fiican xirfadaada?.
Waxaan dooran karaa labadii waqti aan kala qaaday labadi horyaal ee Juventus, iyo koobkii ugu horeeyay aan laqaaday France, waa laba waqti oo gooni ah.
Waqtiga ugu xun xirfadaada?.
Waa waqtigeygii Manchester United, dabcan marka aad uciyaareyso koox weyn waa inaad dulqaad uyeelata si aad fursadaada uheshid balse marna madareemin inaan ahay ciyaaryahan laxushmeeyo lana qiimeeyo.
Seddex qof oo caan ah haddi aad casho lawadaagi laheed, kuwe ayey noqon lahaayeen?.
Zinedine Zedane, Jay Z, iyo Usain Bolt.