
Xiddiga reer Faransa ayaa ugu sareeya liiska ciyaartoyda ay dooneyso kooxda Red Devils xagaagan ka dib markii uu xilli ciyaareed kale oo cajiib ah la qaatay tababare Diego Simeone.
Griezmann ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Atletico Madrid ee horyaalka La Liga iyadoo kooxda ka dhisan caasimada Spain ay tartanka horyaalka kula jirto Barcelona, waxaana uu shabaqa soo taabtay 31 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Xiddiga garabka ka ciyaara oo sidoo kale awooda inuu ka dheelo booska gooldhaliyaha ayaa sidoo kale diirada u saaran kooxda Chelsea iyadoo tababare Antonio Conte uu isku diyaarinayo inuu isbedel ku sameeyo Stamford Bridge.
Laakiin sida ay qortay warbaahinta Isbaanishka ee El Confedencial, United ayaa diyaar u ah inay bixiso wax walba oo ay ku qaadato sidii ay Griezmann u keeni lahaayeen Old Trafford.
25 jirkaan ayaa la aaminsan yahay in qandaraaskiisa Atletico Madrid lagu burburin karo 65 milyan ginni, waxaana Red Devils ay u muuqataa mid bixineysa lacagtaas inkastoo calaamad su’aal ay dulsaaran tahay mustaqbalka tababarahooda