
seddex weeraryahan bilowga finalka maanta ee Euro 2012 ee ay la ciyaarayaan
xulka Italy.
61 jirkaan ayaa ku soo galay qaabab kala duwan intii uu socday tartankaan, isagoo
Cesc Fabregas u isticmaalay 9 been ah, halka sidoo kale uu weerar ahaan u
isticmaalay Fernando Torres iyo Alvaro Negredo.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona ayaa ku soo bilowday kulankii wareega group-yada ee
Italy, lakiin Bosque ayaa si maldahan u sheegay in 25 jirkaan uu kursiga keydka
ku bilaaban doono kulanka maanta.
“Waxaan goor horeba go’aansanay lin-upkeena kulanka berri [maanta]” ayuu Del Bosque u
sheegay Deportes
Cuatro. “Waxaan ku soo geli doonaa seddex weeraryahan”.
Kulanka maanta ayaa waxa uu yahay finalkii seddexaad ee ay Spain ciyaarto muddo afar
sanno gudaheed ah, lakiin Del Bosque ayaa sheegay in suurtagalnimada ay Spain ku
noqoneyso xulkii ugu horeeyay ee seddex koob oo waa weyn oo isku xiga qaada
inaysan cadaadis badan dul saareynin wiilashiisa.
“Wax micno ah ma soo kordhineyso in loo sheego ragaan sida ciyaartaan ay muhim u
tahay, mar hadiiba ay ciyaaro muhim ah soo ciyaarayeen mar walba” ayuu
hadalkiisa raaciyay.
“Runta waxa ay tahay waxa ay wakiil ka yihiin wadanka oo dhan, waxaana jira dalab weyn
oo laga doonayo”.