
Bazil iyo Spain ayaa kulmay kaliya hal jeer 23kii sanno ee ugu danbeysay, waxaana markii ugu danbeysay ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah madaama ay aheyd ciyaar saaxiibtinimo laakiin markaan waa qasab in xul ka mid ah labadan xul dhinaca dhulka loo dhigi doono.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Brazil (4-2-3-1): Cesar; Alves, Silva, Luiz, Marcelo; Paulinho, Gustavo; Hulk, Oscar, Neymar; Fred.
Spain(4-3-3): Casillas; Arbeloa, Pique, Ramos, Alba; Xavi, Busquets, Fabregas; Pedro, Soldado, Iniesta.
Tababaraha Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa sheegay inuusan wax dhaawac ah qabin waxaana laga yaabaa in line-up aan la bedelin uu kaga hortago caawa xulka Spain.
- Kulanka: Brazil v Spain
- Garoonka: Maracana
- Waqtiga: kowda habeenimo Saacada Geeska Africa
Hulk waxa uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto sagaalkiisii kulan ee ugu danbeysay ee kulan heer caalami ah, taasoo la micno ah inuu tartan booskiisa ah kala kulmi doono Bernard ama Lucas Moura.
Labada ciyaaryahan ee reer Spain Roberto Soldado iyo Cesc Fabregas ayaa seegay semi-finalkii ay la ciyaareen Italy sababo la xiriira dhaawacyo yaryar oo ay qabeen.
Si kastaba, labada ciyaaryahan ayay u badan tahay inay ka horimaan doonaan Brazil caawa.