Wargayska ayaa sheegay in Luís Enrique uu u sheegay maamulka kooxda Barcelona in lakeeno kooxda Weerar yahanka kooxda Liverpool Luis Suarez, waxaana muuqanaysa in kooxda Barca ay si dhab ah ugu dhaqaaqday doonista laacib kaan.
Laacib ka labaad waa laacib ka kooxda Fiorentina iyo xulka Colombia Cuadrado, Luís Enrique ayaa u arka laacib kaan mid ku haboon qorshihiisa cusub ee kooxda Barcelona lakiin wuxuu loolan adag kala kulmayaa kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal.
Laacib ka seddexaad waa daafaca 20 jir ka ah ee kooxda PSG Marquinhos kaas oo ay Barca ka gudbisay laba dalab ilaa hada waxaana muuqanaysa in kooxda PSG aysan doonayn inay iska fasaxdo laacib kaan lakiin Barca ayaan wali ka quusan saxiixiisa.