
20 jirkaan kubadsameeyaha ah ayaa lala xiriirinayay Arsenal isbuucyadii u danbeysay, iyadoo wakiilkiisa uu sheegay inuu ciyaaryahanka bixi doono ka dib markii uu ku guuleystay koobkiisii ugu horeysay ee Copa Libertadores xalayto.
“Waan sii shaqeyn doonaa ilaa iyo inta ay madaxa kooxda go’aan ka gaarayaan mustaqbaleyga” ayuu da’ yarkaan u sheegay Sportv. “Waxaa jira dalabyo ka yimid Premier League, Shakhtar iyo Porto.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Ma jiraan wax aan u sheego taageerayaasha. Haddii aan awoodo waxaan sii joogi lahaa kooxda inta ka dhiman nolosheyda.
“Ma aqaano waxa igu dhici doona, laakiin hadii aan baxo waan ogahay inaan shaqadeyda qabsaday.”