
23 jirkan oo aduunka ka yaabsaday koobkii aduunka ayaa dhawaan ku soo biiray Real Madrid, isagoo ku guulaystay kabta tahabka ah ee gooldhalinta koobka aduunka. Waxa kale oo ay FIFA goolkii uu Uruguay ka dhaliyayna u aqoon satay inuu ahaa goolkii tartanka.
Falcao iyo James ayaa ka soo wada ciyaaray kooxaha Porto iyo Monaco , wuxuuna James doonaya inay mar saddexaad isku koox u ciyaaraan.James oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waan hubaa in uu Falcao halkan ka ciyaari karo, laakiin anigu ma ihi qofka go’aaminaya haddii uu imanaayo iyo haddi kale waa arin u taala madax wayne Florentino Perez”.
“Laakiin waxa laga yaabaa inuu halkan yimaado waayo wuxuu leeyahay tayadii iyo maskaxdii uu ku guulaysan lahaa. Anigu waxaan isaga la soo ciyaarayay afar sano, kaliya waxaanu kala maqnayn intii uu joogay Atletico Madrid, wuxuu leeyahay maskax guulaysi taasina waa ta uu Real Madrid ka heli karo. Waxaan rajaynayaa inuu halkan yimaado.
James ayaa Real Madrid ugu soo biiray €80 million balse waxaanu haysan damaanad ah inuu lineupka Ancelotti markasta qayb ka ahaan doono isagoo arintaa ka hadlayay ayuu James yidhi: “Ugu horayn waa inaan si fiican tababarka u qaataa si aan uga mid noqdo lineupka kooxda. Ciyaartoyda kale oo dhami waxay sii joogeen kooxda 3-4 sano. Waa inaan ixtiraamaa iyaga, waana inaan qun yar qun yar soo galaa lineupka kadib waa inaan helaa fursad aan ku tuso heerkayga ugu sareeya. Waan farax sanahay waayo waxaa ii rumawday riyadaydii.waxaan rajaynayaa in wax kastaaba sida saxda ah u socdaan , wanaag ayaanan ka rajaynayaa waxaanan doonayaa inaan koobab kula guulaysto kooxdan wayn”.