
Official: Ciyaaryahankii khadka dhexe ee Liverpool Jay Spearing ayaa si rasmi ah heshiis amaah ah oo hal sanno ah ugu biiray kooxda Bolton.
Update: AC Milan ayaa ku dhawaaqday in Nigel de Jong uu haatan tijaabada caafimaadka u marayo kooxda, ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiiska cusub, isagoo ka soo wareegaya Manchester City.
Official:� Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Thorgan Hazard walaalka ka yar Eden Hazard uu heshiis amaah hal sanno ah ugu biiray kooxda reer Belgium ee SV Zulte Waregem.
Update:� Wakiilka ciyaaryahanka kooxda Tottenham Rafael van der Vaart ayaa u sheegay Sky Sports in ciyaaryahanka uu ku sii jeedo kooxdiisii hore ee Hamburg isagoo tijaabada caafimaadka u mari doona maanta gelinka danbe.
DEG DEG: Kooxaha Schalke iyo Barcelona oo si rasmi ah uga heshiiyay in kooxda Jarmalka ay heshiis hal sanno oo amaah ah ku qaadato Ibrahim Afellay.
Update:� Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sii qasay xaalada Dimitar Berbatov, kaasoo ka baxay heshiisyo uu dhawaan la galay Fiorentina iyo Juventus, isagoo tijaabada caafimaadka u marayay Fulham, lakiin Sir Alex ayaa yiri: