
Garoonka: White Hart Line, London
Waqtiga: 13:30 GMT ama 3:00 PM Saacada Geeska Afrika
Garsooraha: P.Dowd
Wuxuu kulan xiiso badani dhex maridoonaa kooxaha Tottenham iyo Liverpool, iyadoo Tottenham gurigeeda White Hart Line ku soo dhawayndoonto kooxda Reds.Labadan kooxood ayaa iska horyimid 142 oo kulan, Tottenham ayaa badisay 41 kulan, halka ay kooxda Liverpool guulaysatay 66 kulan,waxayna barbaro galeen 35 kulan.
Liverpool ayaa soo dhawn doonta saxiixooda cusub ee Mario Balotelli oo la filaayo inuu kulankisii kowaad liverpool u ciyaaro.Balotelli ayaa dib ugu soo laabtay horyaalka ingiriiska wuxuuna qirtay inuu qalad sameeyay inuu dib ugu laabtay horyaalka Talyaaniga. 24 jirkan ayaa intii uu joogay Milan udhaliyay 26 gool, 43 kulan oo uu ciyaaray. Wuxuuna Rodgers aad ugu baahan yahay in Balotelli uu weerarkiisa xoojin wayn u sameeyo. Balotelli ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxda Man City kulankii ugu danbeeyay ee uu ka horyimaado Tottenham.
Mar uu jimcihii Rodgers ka hadlay xaalka Balotelli ayuu yidhi: “Mario wuu fiican yahay, si fiican ayuu markiiba u dagay, wuxuuna tababarka u qaatay si layaableh waana ciyaartoy fiican”.
Spurs ayaa xili ciyaareedka ku bilabatay qaab ciyaareed fiican iyadoo tababarahooda cusub ee Mauricio Pochettino uu u muuqdo inuu wax wayn ka badalay kooxda Tottenham. Tottenham ayaa guulo ka soo gaadhay kooxaha West Ham iyo QPR, waxayna soo gaadhay Europa Leaquega heer ka groupyada.
Liverpool ayaa xili ciyaareedkii hore Tottenham ka dhalisay 9 gool labdii kulan iyadoo lixda dhibcoodna ka qaadatay. Guuldaradii 5:0 ka ahayd ee liverpool White Hart Line kaga soo badisay Tottenham ayaa keentay in shaqadii lagaga caydhiyo tababare Andre Villas-Boas.
Pochettino oo kulankan ka hadlaya ayaa yidhi: “Kani waa xili ciyaareed cusub, waxayna kooxdu ku ciyaaraysaa qaab ciyaareed ka duwan kii hore iyo waliba aragti ka duwan tii hore. Waan aaminsanahay kooxdayada waxaananu ku soo darnay ciyaartoy dheeli tira”.
Tottenham ayay ka maqnaandoonaan Kyle Walker iyo Roberto Soldado oo dhaawac ku maqan, waxaana laga yaabaa in saxiixa cusub ee Federico Fazio uu safandoono kulanka Liverpool.
Dhica Liverpool Rodgers ayaa la filayaa inuu kulankiisii kowaad oo tartan ah uu safo Adam Lallana oo ka mid ahaa ciyaartoydii uu Pochettino tababaraha ugu ahaa Southamton.Lallana ayaa ka soo laabtay dhaawac uu ku maqnaa. Alberton Moreno, Glen Johnson iyo Jose Enrique ayuu shaki ku jiraa inay safan karaan kulankan Spurs.
Line-upyda ay Suurto galka tahay inay labada kooxooda ku soo kala gali karaan: