
Tababare Zidane ayaa hal bedel ku sameeyay shaxdiisii isbuucii hore iyadoo Luka Modric uu ku soo laabtay shaxda kooxda, waxaa sidoo kale mar kale fursad helay da’ yarka Marco Asensio iyadoo Alvaro Morata isna lagu soo bilaabay xilli ay maqan yihiin Benzema iyo Ronaldo oo dhaawac ka soo kabsanaya.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxa ay jahwareer u aheyd kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid kuwaasoo awoodi waayay inay shabaqa ka soo taabtaan Celta Vigo. Luka Modric ayaa labo jeer u soo dhawaaday inuu shabaqa soo taabtay isagoo kubado meel dheer ah ku dayay goolka.
Gareth Bale ayaa isna fursad fiican ka qasaariyay kooxdiisa markii kubad madax aheyd oo gool loo fishay oo hareer mariyay birta goolka. Celta ayaase u halis ku aheyd kubadaha rogaal celiska taasoo ciyaarta ku heysay, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Real Madrid ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 60aad markii Asensio uu isku dayay inuu kubada ka dulqaado goolhaye Alvarez kaasoo beeniyay. Nasiib wanaag Morata ayaa boos fiican u taagnaa inuu kubada shabaqa dhex dhigo oo uu hogaanka u dhiibo Real Madrid, waana goolkii ugu horeysay ee La Liga ee uu dhaliyo tan iyo markii uu ku soo laabtay kooxda.
Afar daqiiqo ka dib Morata ayaa ku dhawaaday inuu dhaliyo goolka labaad ee ciyaarta laakiin darbadii uu tuuray waxa ay ku dhacday birta goolka.
Celto Vigo ayaana ku soo laabatay ciyaarta daqiiqadii 67aad, Guidette ayaa kubad u dhigay Orellana afka hore ee xerada ganaaxa, waxaana uu ciyaaryahanka halkaas ka tuuray kubad gantaal ah iyadoo uu fursad u heli waayay goolhaye Casilla inuu badbaadiyo waxaana ay taasi ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.
Tababare Zidane ayaa seddexdiisa bedel sameeyay si uu ciyaarta wax ugu bedelo iyadoo Gareth Bale uu baadigoob xoogan ugu jiray inuu goolka guusha keeno, laakiin waxaa hogaanka u dhiibay Real Madrid daqiiqadii 81aad xiddiga Jarmalka Toni Kroos.
Kroos ayaa baas ka helay Lucas Vazquez oo ciyaarta bedel ku soo galay, waxaana uu kubada u dhameystiray si macaan iyadoo birta ay ku dhacday ka hor inta aysan shabaqa gelin taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Los Blancos hogaanka ku heysay.