
![]() Gareth Bale ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay ee Santiago Bernabeu marka caaw ay real Madrid soo dhaweyso Atletico Madrid ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac bowdada ka soo gaaray. Xiddiga adduunka ugu qaalisan ayaa seegay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Real Madrid ka dib markii uu ku dhaawacmay iskululeyntii kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Getafe laakiin waxa uu tababarka kooxda ku soo laabtay khamiistii. Bale ayaa dib ugu soo biiraya kooxda oo kalsooni buuxda heysata ka dib markii ay guul muran ku jirto ay ka gaareen Elche habeenkii arbacada, inkastoo ay dhagahooda ka sii yeeri doonto canaantii ay kala kulmeen tababare Carlo Ancelotti. Kooxda Ancelotti ayaa u baahatay rigoore muran badan dhalisay dhamaadkii ciyaarta inay ku xaqiijistaan guusha bartamihii isbuuca, waxaana tababaraha Talyaaniga uu qirtay inay aheyd in ciyaartoydiisa ay shaqo intaas ka fiican qabtaan haddii ay doonayaan inay Atletico oo ay Madrid ku xafiiltamaan ku garaacaam Bernabeu. “Sida aan u ciyaarnay kulankii Elche, uma socono inaan badino kulanka Madrid derby” ayuu yiri. Atletico ayaa lix kulan ay ciyaartay La Liga lix guul ka heshay, iyagoo habeenkii talaadada 2-1 ku suuldaaray Osasuna, waxaana ay doonayaa inay sii ilaashadaan rikoorkooda ku bilaabashada ugu fiican ah ee Madrid derby. Waxa ay badiyeen kulankii ugu danbeysay ee ay la kulmeen Real finalkii Copa del Rey laakiin wax guul ah kama aysan gaarin horyaalka kooxda ay deriska yihiin tan iyo 1999kii. Tababare Diego Simeone ayaana rajeynaya inuu soo gabagabeeyo 23 kulan oo La Liga ah oo ay ka horyimaadeen Real Madrid oo aysan wax guul ah gaarin, waxaana ka buuxda kalsooni madaama ay guulo isku xigxiga horyaalka ku bilowdeen. Real ayaa sidoo kale iyadana ah koox aan weli laga badinin horyaalka, laakiin waxa ay dhumiyeen dhibco ka dib barbarihii 2-2 ee ay kala kulmeen Villarreal, taasoo ka dhigeysa inay labo dhibcood ka hooseeyaan deriskooda Atletico iyo kooxda horyaalka heysata ee Barcelona. Xabi Alonso ayay hubaal tahay inuu ka maqan yahay kooxda martida loo yahay caawa, halka Adrian uu isna ka maqan yahay kooxda martida ah. Ciyaartaan waxa ay dhici doontaa 11ka habeenimo xilliga geeska Afrika.
0 Comments
![]() Goolhayaha amaahda uga maqan Liverpool Pepe Reina ayaa aaminsan in waqtigiisii Reds uu soo dhamaaday. Isagoo haatan jooga Napoli, Reina ayaa dib u la midoobay macalinkiisii hore Rafa Benitez, waxaana booskiisa Liverpool bedelay saxiixa cusub Simon Mignolet. Waxa uu sheegay in Mignolet dartiis, inay u badan tahay inuusan mar danbe u ciyaari doonin Liverpool islamarkaana ku laaban doonin Anfield. “Waqtigaan la joogo waa adag tahay in laga fekero inaan noqonayo ciyaaryahan Liverpool ah sannadka soo socda” ayuu yiri 31 jirkaan isagoo wareysi siiyay Daily Mail. “Waxa ay heystaan goolhaye da’ yar oo ah Simon Mignolet, tababarahana isaga ayuu iga doorbidayaa” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Waana sababta aan halkaan u joogo, sidoo kalena sannadka soo socda waa uu sii joogi doonaa isaga. Mana jirto sabab aan ugu fikiro inaan noqonayo ciyaaryahan Liverpool ah wixii haatan ka bilowda laakiin waan arki doonaa waxa dhaca.” Pepe Reina ayaana lala xiriirinayaa Barcelona kuwaasoo goolhaye la’aan ay qaban doonto marka uu dhamaadka xilli ciyaareedkan ka tago Victor Valdes oo qandaraaskiisa uu dhacayo islamarkaana diiday inuu heshiis cusub saxiixo. ![]() Jose Mourinho ayaa ka xanaaqay islamarkaana qeyliyay ka dib markii la siin waayay shaqadii ka banaaneyd Manchester United, sida lagu sheegay buug cusub oo laga qoray tababaraha reer Portugal. Joornaalistaha reer Spain Diego Torres ayaa bugiisa “Preparense Para Perder” – ama “U diyaargarow inaad guuldareysato” afsoomaali lagu yiraahdo kaga hadlay waqtigii Mourinho uu macalin u ahaa Real Madrid. Waxaana buuga uu sheeganayaa in markii Mourinho uu ogaaday inuusan Old Trafford tageynin ay u aheyd saacadihii ugu xumaa ee isaga soo mara intii uu macalin u ahaa Real Madrid. “Markii uu ogaaday in Sir Alex Ferguson uu doortay Moyes, Mou waa uu careysnaa. Waxaana uu ku qeyliyay: “Laakiin waxba kuma uusan guuleysan!” ayaa buuga lagu qoray. Diego Torres – oo muddo dheer ka mid ahaa dadka wax ka sheega tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale sheegay in wakiilka Mourinho Jorge Mendes inuu ahaa qofkii ka dhaadhiciyay Special One in Ferguson uu ka caawin doono inuu ka tago Madrid oo uu qabto United. “Mourinho waxaa quudiyay wakiilkiisa, kaasoo ka dhaadhiciyay in Ferguson uu yahay saaxiibkiisa” ayaa buuga lagu qoray. “Waxaa laga dhaadhiciyay inay saaxiibo is aamina yihiin. Waxa uu ku fekeray in koobabkiisa sida labada Champions League, 7da horyaal ee uu afar dal ku soo kala qaaday, inaysan jirin cid kale oo u qalanta shaqadaas.” Laakiin waxaas oo dhan waxa ay noqdeen wax kama jiraan, tababaraha haatan Chelsea macalinka ka ah ayaana ilin ay soo dhaaftay isagoo ay ku adkeyd inuu aqbalo inay shaqadaas dhaaftay. “Waxa ay aheyd saacidihii ugu xumaa Mourinho ee intii uu macalin u ahaa Real Madrid. Waxa uu mobile-kiisa ku kooleeyay madaxiisa isagoo raadinayay in warka loo kala cadeeyo hadii Moyes uu shaqada helay habeenkii 7da bisha iyo subixii 8da bisha May” Waxaana buuga uu qorayaa in sheegashada Mourinho ee xagaagii ee aheyd inuu dhowr bilood ka hor ogaa inuu Ferguson fariisanayo inay aheyd kaliya mid uu isaga weecinayo wixii xaqiiq ahaan dhacay. Buugaan oo qeybo ka mid ah qoraalkiisa ay soo bandhigtay wargeyska Isbaanishka ee El Pais, ayaa sidoo kale sheeganaya in Mourinho uu sharaftiisa ku badbaadsanayay markii uu dhahay inuu ogaa waxa ka socday Manchester. “Waxa uu ka walwalsanaa Mourinho ayaa aheyd in ugu danbeyn dadka hortooda uu ku noqonayo mid doqon ah” ayuu yiri Torres. “Waxa uu dareemay in Ferguson uu qiyaameeyay, waxaana uu ka baqay in dadka aysan si dhab ah u qaadanin. “La taliyayaasha Mourinho ayaa u sheegay isaga inuu dhaho inuu ogaa wax walba sababtoo ah Ferguson ayaa soo wacay oo u sheegay.” ![]() Marouane Fellaini ayaan caawa u ciyaari karin Manchester United kulanka ay ka horimaanayaan Liverpool ee koobka Capital One Cup madaama uu isla xilli ciyaareedkan koobkaan u soo ciyaaray Everton. Xiddigan 27.5 milyan ginni ugu fadhiya Red Devils ayaana caawa taribuunka ka soo daawan doona kulanka kooxdiisa Man United ay ku martigelineyso Liverpool. Waxa uu wareegii labaad ee koobkaan uu u ciyaaray Everton isagoo kursiga keydka ka soo kacay islamarkaana goolka guusha u dhaliyay kulankii ay la ciyaareen kooxda Stevenage. Sharciga League Cup qodokiisa 6aad, firqadiisa 1aad ayaa dhigaya: “Ciyaaryahan uma ciyaari karo in ka badan hal koox koobka hal xilli ciyaareed gudaheed.” Tababare David Moyes oo doonaya inuu wadada guusha ku soo celiyo kooxdiisa ayaana dhabarjab ay ku tahay arintaan, iyadoo sidoo kale uu kulankaan dhaawac ku seegayo Robin van Persie. ![]() Palermo ayaa xaqiijisay inay iska ceyriyeen tababarahooda Gennaro Gattuso ka dib todoba kulan uu kooxda macalin u ahaa, waxaana ay booskiisa u magacaabeen Giuseppe Iachini. Halyeeyga AC Milan oo 35 sanno jir ah ayaa loo magacaabay macalinka Palermo bilowgii xilli ciyaareedkan, laakiin haatan booskaas waa laga ceyriyay ka dib markii si xun uu ku bilowday horyaalka Serie B iyagoo 7 dhibcood ka helay lix kulan ay ciyaareen. “Waa wax aan si aad ah uga qoomameyneyno inaan ku wargelinay Gennaro Gattuso in laga qaaday howshii uu kooxda u hayay ee aheyd tababare. Waan ka qoomameyneynaa go’aankaan sababtoo ah ixtiraam weyn ayaan u heynaa Gattuso” ayuu lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka Palermo. Palermo ayaa waxaa 2-1 ku garaacday Bari xalayto, waxaana ay haatan kaalinta 12aad kaga jiraan Serie B. Iachini, oo hore macalin uga soo ahaa Siena ayaa rikoor fiican ku leh Serie B isagoo Serie A u soo saaray Chievo, Brescia iyo Sampdoria. ![]() Boqolaal taageerayaal ah ayaa soo galay garoonka dhexdiisa kulankii xalay ee Istanbul derby ee u dhaxeeyay Galatasaray iyo Besiktas, taasoo keentay in ciyaarta la kansalo. Boliiska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay isagu dayaan inay taageerayaasha garoonka soo dhexgalay ay u kala celiyaan ka dib markii kaarka casaanka ah la siiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Galatsaray Felipo Melo. Didier Drogba ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Galatsaray ay ciyaarta ku hogaamineysay 2-1 ilaa daqiiqadii 3aad ee waqtiga dheeriga ah, markaasoo ciyaarta la kansalay markii taageerayaal careysan ay garoonka soo dhex galeen iyadoo ciyaartoyda loola cararay qolalka labiska si amaankooda loo sugo. Ciyaarta ayaana noqotay mid kacsan ka dib markii Felipo Mello qalad xun uu galay lagu siiyay kaar casaan toos ah, waxaana lagu soo tuuray dhalo biyo ay ku jiraan intii uu garoonka ka baxayay. Taageerayaasha ayaa ka dib ku soo duulay garoonka taasoo keentay in ciyaartoyda iyo garsoorayaasha ay orod uga baxaan garoonka. Xiriirka kubada cagta Turkiga ayaa ka fariisan doona arintaan iyadoo go’aansan doona natiijada kama danbeysta ah, waxaana ay u badan tahay in natiijo 3-0 la siin doono Galatasaray. Taageerayaasha Beskitas ayaa lagu tilmaamay kuwa siyaasadeysan, waxaana ay qeyb ka ahaayeen mudaaharaadyadii dhawaan looga soo horjeeday dowlada Turkiga. Mesut Ozil Iyo Kun Aguero Oo Hogaaminaya Kooxdii Isbuucaan Ugu Fiicneyd Horyaalka Premier League.9/23/2013 ![]() Horyaalka Premier League ayaa isbuucaan soo saaray goolal badan, iyadoo guud ahaan la iska dhaliyay 29 gool, waxaana soo qaadanay qiimeynta shabada goal.com ay ka sameysay 11kii xiddig ee isbuucaan ugu fiicnaa horyaalka Premier League. Arsenal ayaa hogaanka horyaalka qabatay ka dib markii ay 3-0 ku garaaceen Stoke City shalayto iyadoo Mesut Ozil uu hal abuuraha guushaas. Xiddiga Jarmalka ayaa ku lug lahaa dhamaan seddexda gool ee ay kooxdiisa dhalisay, waxaana uu boos ka helay kooxda isbuuca Premier League ee qiimeynta goal.com Kulankii ugu weynaa isbuucaan, Manchester City ayaa kala dhantaashay United iyadoo Pellegrini uu garaacay Moyes, Sergio Aguero iyo Samir Nasri ayaana ka mid ahaa gooldhaliyayaasha. Vincent Kompany ayaa sidoo kale ku adkaa booskiisa daafaca dhexe iyadoo kabtanka City uusan siinin boos ay ku neefsadaan Rooney iyo Danny Welbeck oo ay ku abuuraan fursado badan. Daafaca Belgium waxaa kooxda isbuuca kula wehliya daafaca dhexe Dejan Lovren, iyadoo xiddiga reer Croatia uu dhaliyay goolkii guusha ee ay kooxdiisa Southampton 1-0 kaga badisay Liverpool kulankii Anfield ka dhacay sabtidii. Booska goolhayaha ee kooxda isbuuca waxaa qaatay goolhayaha Cardiff City David Marshall, iyadoo goolhayaha reer Scotland uu qaab ciyaareed qatar ah soo bandhigay kulankii xalayto kooxdiisa guuldarro ciriiri ah ay ka soo gaartay Tottenham. Guushii uu Leighton Baines ku hogaamiyay Everton kulankii West Ham ayaa ka dhigtay inuu xureystay garabka bidix ee kooxda sibuuca, halka xiddigii maalintaas daafaca midig u ciyaarayay Aston Villa Leandro Bacuna uu isna soo bandhigay qaab ciyaareed fiican kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Norwich City. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Borm Morgan Amalfitano ayaa buuxiyay garabka midig ka dib goolkiisa iyo caawintiisa ee kulankii ay 3-0 ku xaaqeen Sunderland, halka Oscar uu ka qeyb qaatay guushii ay Chelsea ka gaartay Fulham uu isna boos ka helay khadka dhexe. Dhanka weerarka waxaa Aguero kula wehliya xiddiga reer France ee kooxda Newcastle Loic Remy, isagoo dhaliyay labo gool kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Hull City. Kooxda Isbuuca ee Premier League Ee Goal.com: Goolhaye: David Marshall (Cardiff City) Daafac: Bacuna (Aston Villa), Kompany (Man City), Lovren (Southampton), Baines (Everton. Khad Dhexe: Amalfitano (Westr Brom), Oscar (Chelsea), Ozil (Arsenal) Samir Nasri (Man City) Weerar: Sergio Aguero (Man City), Loic Remy (Newcastle) Sidee u aragtaa kooxda isbuuca ee Premier League ee qiimeynta Goal.com? Yaa laga tagay? Yaa liiska ku jira oo aan u qalmin? Fekerkaaga inoo sheeg? ![]() David Moyes ayaa markii ugu horeysay canaantay xiddigaha Manchester United ka dib markii guuldarro xanuun badan ay ka soo gaartay deriskooda Man City/. Tababaraha ayaa ka careysnaa guuldaradii ceebta laheyd ee ka soo gaartay Manchester derby, taasoo ka dhigtay ku bilaabashadii ugu xumeyd ee xilli ciyaareedkan ee United ee muddo sagaal sanadood ah. Moyes ayaana yiri: “Waqtiyo badan ayaan garoonkaan la imid Everton, waligeyna guuldarro sidaan oo kale ah ima soo gaarin. “Sidaasi darteed waan u sheegay ciyaartoyda waxaana ugu sheegay si la mid ah sidii aan ugu sheegi lahaa ciyaartoyda koox kale hadii aysan si wacan u ciyaareynin. “Waa ciyaartoy fiican, laakiin waxaan ka murugeysanahay inaysan si fiican u ciyaarin sababtoo ah ma jirto sabab ay aheyd inay sidaan ugu ciyaaraan. “Bartamihii isbuuca si aad iyo aad u fiican ayaan u ciyaarnay, mana jirin sabab ay aheyd inaanan maanta si fiican u ciyaarin. “Laakiin waa hal ciyaar, kulamo badan ayaana soo socda, waxaana heysanaa waqti badan oo aan wax ku saxno.” Arsene Wenger Oo Qirtay Inaysan Ogeyn Ilaa Iyo Haatan Waxa Uu yahay Dhaawaca Theo Walcott.9/23/2013 ![]() Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuusan hubin mudada uu maqnaan doono Theo Walcott ama xaqiiq ahaan waxa uu dhaawaciisa yahay. Walcott ayaa la filayay inuu ku soo bilowdo kulankii ay 3-1 shalayto kaga badiyeen Stoke City ee ka dhacay Emirates Stadium ka hor inta uusan dhaawacmin intii ay kooxda iskululeyn ku jirtay. Waxaana uu Wenger yiri: “Waxaa dhibaato ka soo gaartay muruqa caloosha, xaqiiqdii ma aqaano waxa uu dhaawaca yahay. “Mana jirto cid ii sheegi karta hadii kaliya uu maalmo uun maqnaanayo. “Ciyaarta ka hor baaritaan ayuu maray, waxaana go’aansaday inaan ciyaarsiiyo laakiin dhibaatadan waxa uu qabay sidoo kale ka hor kulankii Marseille, ka dibna xaalada waa ay ka sii dartay sidii hore. “Waa dhaawac aan la ogeyn waxa uu yahay, sababtoo ah ilaa iyo haatan kama warqabno waxa uu yahay.” Arsenal ayaa booqan doonta arbacada West Brom kulanka wareega 3aad ee Capital One Cup ka hor inta aysan sabtida u safrin Swansea horyaalka Premier League. ![]() Kaliya waxaa la joogaa September laakiin Robin Van Persie ayaa aaminsan in natiijada ka soo baxda kulanka maanta ee Manchester Derby inay go’aansan doonto halka uu horyaalka u jiheysanayo dhamaadka xilli ciyaareedka. “Waan ogahay in kulankaan uu yahay mid aad u muhim ah” ayuu yiri weeraryahanka reer Holland kaasoo aaminsan in isfahamka isaga iyo Wayne Rooney inuu walwal gelinayo tababare Pellegrini. “Shaqsi ahaan si xun uma fekero, laakiin labada kooxoodba muhim ayay u tahay inay ku dhawaadaan hogaanka horyaalka. Kooxdii laga badiyo waxa ay shan ama lix dhibcood ka danbeyn doontaa hogaanka ka dib shan kulan oo la ciyaaray. Waana wax aad u badan sidaasi darteed sidaasi ma dooneyno. “Guushii aan sannadkii hore ka gaarnay City waxa ay saameyn ku yeelatay hanashada horyaalka. Waan ogeyn inaan lix dhibcood ka sarre mareyno hadii aan badino ama inaan isku dhibco noqoneyno hadii guuldarro ay na soo gaarto. Sidaasi darteed waxa ay aheyd guul aad u weyn. “Natiijada waa ay ina caawisay, waana ka qaadnay horyaalka. Taas ayayna aheyd wixii dhacay. Feker ahaanteyda waxa ay natiijadaas aheyd lix dhibooc. Aad ayayna u macaaneyd. “Waxaan rajeyneynaa inaan mar kale ka badino. Kulamada si degdeg ah ayay inoogu imaanayaan waana jecelnahay sidaas. Waa wax aan u baranay, waa laxankeena, inaan kulan ciyaarno seddex aam afar maalmood kasta.” |
Archives
December 2019
|