
Kooxda reer Russia ayaa waxa ay ciqaab kala kulantay Uefa ka dib markii taageerayaashooda ay cunsurinimo ku kaceen xilli ciyaareedkii hore.
“Marnaba qibrad uma aanan yeelan arintaan, waxaana rajeynayaa inay noqoto markii ugu danbeysay ee ay sidaan dhacdo” ayuu yiri Guardiola oo kooxdiisa ay ku ciyaareyso garoon haawanaya.
“Waa inaan la qabsano xaalada laakiin waa yara qariib.”
CSKA ayaa ganaaxaan ku muteysatay markii jamaahiirtooda ay falal cunsuirnimo ah sameeyeen kulamadii ay xilli ciyaareedkii hore la ciyaareen Manchester City iyo kooxda reer Czech Viktoria Plezen.
CSKA ayaa sidoo kale filaneysa inay ganaax dheeraad ah kala kulanto Uefa ka dib markii taageerayaashooda ay shaqaaqooyin sameeyeen kulankii ay guuldarada 5-1 ka soo gaartay Roma ee Group E 17kii Septmebr.
Bayern Munich ayaana rajeyneysa in guul ay ka gaarto CSKA Moscow si ay ugu sii dhawaadaan u soo bixitaankooda wareega xiga madaama ay kulankii kan ka horeeyay ay 1-0 kaga badiyeen Manchester City.
Tababare Guardiola waxaa dhaawac kaga maqnaan doona kulankaan Holger Badstuber, Javi Martinez, Thiago Alcantara, Bastian Schweinsteiger iyo Frank Ribery oo shaki uu ku jiro.
Kulankaan waxaa la ciyaarayaa 7da fiidnimo saacada geeska Afrika madaama ciyaarta ay ka dhaceyso Russia, kulamada kale ee Champions League ee caawa waxaa la ciyaarayaa 9:45pm saacada geeska Afrika