
Kooxda martida aheyd ayaa hogaanka ciyaartay qabatay seddex jeer, iyagoo ku hogaaminayay 3-2 ilaa iyo dhamaadkii 90ka daqiiqo ee ciyaarta markaasoo Nani kubad laga soo qaatay taasoo keentay in weerarkoodii ugu danbeeyay ay ku helaan rigoore oo uu u saxiixay ciyaarta oo ilbiriqsiyo ka dhiman xiddigooda Eden Hazard, islamarkaana ciyaara u dirtay 30 daqiiqo oo dheeri ah.
Blues ayaana ku badisay ciyaarta 5-4, waxaana Sir Alex Ferguson uu far muuqay in Nani uu qeyb weyn ka qaatay in kooxdiisa ay guul ka soo qaadan weyso Stamford Bridge mar kale.
“Goolka seddexaad ee dhaliyeen inaga ayaa kubada iska dhiibnay, anagoo ciyaarta koontaroolkeeda heyna islamarkaana kubad fiican ciyaareyna” ayuu Sir Alex u sheegay Sky Sports.
“Waxa kaliya aan u baahneyn ayaa aheyd inaan kubada heysano ilaa seeriga laga yeerinayo. Nani ayaa go’aansado inuu isku dayo inuu u ganbiyo ciyaaryahan, waxaana laga qaatay kubada, ka dibna rigoorada ayaa timid. Ma aqaano hadii ay rigoore aheyd iyo hadii kale. Waxaan qabaa in markaas ka dib ay ciyaartoydeena da’da yar xaalada ku adkaatay 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa.
“Nani waa ciyaaryahan qibrad leh, waa ciyaaryahan doonaya inuu u ganbiyo ciyaartoyda kale, mana ka celineyno sidaas, laakiin xaaladaas oo kale hadii uu kubada koonerka ku heysan lahaa, ciyaarta waa ay dhamaan laheyd.”