
Juventus oo todobaadkii hore guuldarooyin ka soo gaartay Seria A iyo Champions League ayaa hada kaalinta 3aad ku jirta, iyadoo dhibcaha la wadaagta kooxda Napoli.
Goolasha ayaa waxaa u dhaliyay Juventus xidigaheeda Arturo Vidal oo daqiiqadii 26aad goolka u bilaabay iyo Andrea Pirlo oo daqiiqadii 34aad u dhaliyay ee qeybtii hore ee ciyaarta
Labada gool kale waxay dhasheen qeybtii labaad, waxaa u kala saxiixay Carlos Tevez iyo Leonardo Bonucci
Kooxda Roma ayaa wali la celin la’yahay, waxaana ay dooneysaa inay gaarto guusheeda 10aad ee isku xiga ee Seria A-da, iyadoo badisay sagaal kulan, waxaana ay horyaalka ku hogaamineysaa 27-dhibcood.
Dhinaca kale kooxda Napoli ayaa labo gool iyo gool uga adkaaday kooxda Fiorentina, Napoli ayaa wali ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan.