
Garoonka: Santiago Bernabeu
Waqtiga 12ka saqda dhexe xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH:REAL MADRID
Casillas
Arbeloa, Pepe, Ramos, Coentrao
Khedira, Alonso
Di Maria, Modric, Ronaldo
Benzema
ATLETICO MADRID
Courtois
Juanfran, Miranda, Godin, Filipe
Gabi, Suarez
Koke, Costa, Turan
Falcao
Daafaca Real Madrid Raul Albiol ayaa seegi doona kulanka caawa ee ay Santiago Bernabeu ku martigelinayaan kooxda Atletico Madrid.
Daafaca ayaa dhaawac uu ka soo gaaray canqowga kulankii Copa del Rey ee ay ka badiyeen Alcoyano, waxaana liiska dhaawaca uu kula biirayaa Gonzalo Higuain, Marcelona iyo Michael Essien.
Tababarae Jose Mourinho ayaa xiddigiii uu nasasiiyay kulankii bartamaha isbuucii dhamaaday dib u soo yeeran doona, laakiin waa inuu kala xushaa Mesut Ozil iyo Luka Modric cidii ku soo bilaaban laheyd booska kubad sameeyaha khadka dhexe.
Thibaut Courtois ayaa ka soo kabsaday xumad heysay, waxaana uu ku soo bilaaban doonaa goolka Atletico.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Cristian Rodriguez ayay u badan tahay inuu kulankaan seegi doono, laakiin Mario Suarez ayaa diyaar ah ka dib markii uu hal kulan ganaax ku seegay.
MA OGTAHAY?
- Real Madrid ayaa badisay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.
- Los Merengues ayaa celcelis ahaan dhalisay in ka badan seddex gool lixdii kulan ee La Liga ee ay ku ciyaareen garoonkooda xilli ciyaareedkan, waana inta ugu badan horyaalka ilaa iyo haatan.
- Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay shan gool labadii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimid Atletico Madrid.
- Atletico Madrid ayaa badisay shantii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.
- Los Colchoneros ayaa laga badiyay 17 ka mid ah 23dii kulan ee ugu danbeysay, halka kulamada kale ay barbaro ahaayeen.
- Atletico markii ugu danbeysay ee ay ciyaareen Madrid derby iyadoo ka sareeya dhibco ahaan Real Madrid waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 1995-96.