
Garoonka: La Roselda
Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika
Real Madrid ayaa u safreysa Malaga maanta iyagoo raadinaya inay dhibco kale sii kala dhex dhigaan iyaga iyo kooxaha kale ee ku ceyrsanaya La Liga.
Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Los Blancos ayaa u muuqda mid aan joogsaneynin waqti dhow, iyagoo badiyay 15kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan, waxaana ay noqdeen haatan kooxda koowaad ee sida weyn looga baqo.
Iyadoo kooxaha kale ee la tartamaya sida Barcelona, Atletico Madrid iyo Valencia ay dhamaantood ciyaarayaan berri, kooxaha Carlo Ancelotti ayaa abuuran karta boos weyn ay ku neefsato iyadoo uu soo dhow yahay fasaxa xilliga qaboobaha ee uu gali doono La Liga.
Howsha Malaga u taala maanta waxaa sii adkeynaya xaqiiqda ah inay kaliya badiyeen hal kulan oo ka mid ah 25kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen kooxaha heysa hogaanka horyaalka.
Si kastaba, Los Boquerones ayaan aheyn koox si sahlan la isaga riixi karo xilli ciyaareedkan iyagoo ka mid ah lixda kooxood ee ugu sareysa horyaalka, waxaana ay kaliya seddex dhibcood u jiraan booska ugu danbeeya ee loogu soo baxo Champions League.
Xaqiiqdiina Malaga ayaa dhawaan waxa ay badisay shan kulan oo isku xigta oo horyaalka ah taasoo keentay inay sarre u soo koraan miiska kala sareynta ka hor inta aysan guuldarro ka soo gaarin Atletico Madrid kulankoodii ugu danbeeyay.
Roque Santa Cruz ayaana ah xiddiga ay ku soo shirtageyso Malaga isagoo shabaqa ka soo taabanayay Madrid waqtiyadii u danbeysay waxaana uu dhaliyay seddex ka mid ah afartii gool ee ugu danbeysay ee ay Malaga ka dhalisay Los Blancos, waxaana uu rajeynayaa inuu wax ku darsado rikoorkaas kulanka caawa fiidkii ka dhacaya La Rosaleda.
Kooxda martida ah waxaa taam buuxda u soo noqday Gareth Bale, halka 26 jirka Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu sii dheereysto shanta gool ee uu ka dhaliyay kooxda Javi Garcia.
Dhanka kale Iker Casillas ayay u badan tahay in shaxda dib loogu soo dari doono ka dib markii la nasasiiyay kulankii Champions League ee ay ka badiyeen Basel, halka Isco uu bedeli doono xiddiga dhaawacan ee Luka Modric.
Shaxda Macquulka Ah:
Malaga: Kameni, Torres, Sanchez, Welington, Antunes, Darder, Camacho, Castillejo, Juanmi, Samu, Santa Cruz
Real Madrid: Casillas; Marcelo, Ramos, Pepe, Carvajal; Kroos, Isco, James; Bale, Benzema, Ronaldo