
35 jirkaan ayaa kula soo hoos shaqeeyay Mourinho Porto, Chelsea iyo Inter ka hor inta uusan isagana noqonin tababare buuxa.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay u leedahay casharadii uu ka soo bartay Mourinho.
“Mourinho malaha waa tababaraha ugu fiican abid” ayuu Andre Villas-Boas u yiriLancenet.
“Inaan la shaqeeyo Mourinho waxa ay aheyd qibrad qariib ah. Waa adag tahay in la helo qof sidiisa oo kale, xirfadle u ah, rabitaan badan uu ku jiro islamarkaana aqoon badan u leh ciyaarta.
“Nasiib wanaag, waxaa uu si fiican ii baray sida loo odaraso ciyaaraha iyo kooxaha. Sharaf ayay ii aheyd inaan isaga la shaqeeyo oo aan barto qaabkiisa tababarka.”