
Waxaa soo dhawaanaysa maalinta si rasmi ah loo furi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January, waxayna kooxuhu sii calaamadeysanayaan ciyaartoyda ay u arkaan inay kooxahooda xoojin ku samayn karaan inta ka hadhsan horyaalada ay ka tirsan yihiin.
Manchester City ayaa dooneysa inay dalab 30 milyan ginni bisha Janaayo ka gudbiso weeraryahanka Swansea 26 jirka Wilfried Bony. (Telegraph)
City ayaase tartan kala kulmeysa Chelsea kuwaasoo sidoo kale xiiseynaya saxiixa xiddiga reer Ivory Coast Bony. (The Times)
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa u calaamadeystay khadka dhexe inay tahay meesha uu xoojin doono bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. (The Guardian)
Gunners ayaa dalab 25.5 milyan ginni ka gudbineysa 22 jirka khadka dhexe ee Sporting Lisbon William Carvalho. (Daily Star)
AC Milan ayaa u sheegtay kooxaha sida Arsenal iyo Liverpool in weeraryahankooda Stephan El Shaarawy oo 22 jir ah uu qiimihiisa yahay 11.5 milyan ginni haddii ay doonayaan inay la wareegaan bisha Janaayo. (Daily Express)
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu la soo wareego 21 jirka reer Argentina ee kooxda Villarreal Luciano Vietto, kaasoo lagu tilmaamo Aguero-ha cusub. (Mirror)
Everton ayaa dooneysa inay si ku meel gaar ah kula soo wareegto goolhayaha Wigan Ali Alhabsi oo 33 sanno madaama goolhayahooda Tim Howard uu dhaawac uga maqnaanayo muddo lix isbuuc ah. (Daily Mail)
Da’ yarka aadka loo qiimeeyo ee Norway ee khadka dhexe Martin Odegaar oo 16 sanno jir ah ayaa iska diidi doona dhamaan kooxaha waa weyn ee Yurub waxaana uu ka dooran doonaa Southampton isagoo og inuu fursad ka helayo halkaas. (Daily Star)