
Angel Di Maria, Gonzalo Higuain iyo Lionel Messi ayaana dhamaantood dhaqbaqa u soo taabtay xulka Albiceleste kuwaasoo guul raaxo leh gaaray, halka goolka kaliya ee Paraguay uu ku yimid rigoore uu dhaliyay Jonathan Fabbro.
Xulka Uruguay oo guuldarro 4-0 ay ka soo gaartay Colombia, ayaa Argentina u sahashay inay garoonka ku soo galaan iyagoo ka warqaba in guul ay gaaraan ay u direysa halka ugu sareeysa ee kala sareynta isreebreebka koobka adduunka ee Latin America.
Radamel Falcao oo shabaqa laga celin la’ yahay ayaana xulkii Colombia hogaanka u dhiibay kulankii ay la ciyaarayeen Uruguay, waxaana labo gool kale u sii dhaliyay Gutiérrez, ka hor inta uusan Zuniga ciyaarta ku soo afmeerin goolkii afaraad.
Xulka Ecaudor waxa ay 1-0 ku suuldaartay xulka Bolivia.