
Haatan xaalada ciyaaryahanka ayaa isbedeshay ka dib markii Arsenal ay ku adkeysatay inaysan dooneynin kaliya amaah hal xilli ciyaareed inay ku qaataan, balse ay doonayaan in loo ogolaado inay iibsan karaa marka heshiiska amaahda uu dhamaado.
Madrid iyo Sahin ayaana ku qancin sida wararku sheegayaan sida ay wax u doonayaan Arsenal, waxaana ay taasi keentay in wakiilka Sahin uu tago Anfield maanta isagoo wadahalo horumar leh la gaaray kooxda oo aheyd kooxdii ugu horeysay ee xiiso u soo bandhigtay ciyaaryahanka reer Turki.
Tababaraha Liverpool ayaa haatan xaqiijiyay inay filanayaan in ciyaaryahanka uu 24 saac gudahood ku soo biiro kooxda.
Waxa uu yiri mar wax laga weydiiyay Nuri Sahin: “Waxaan rajeyneynaa in 24ka saacadood ee soo socda aan ka helno wax xaqiijinaya imaanshihiisa kooxda.
“Wax badan ayay inoo jirtaa. Waana ciyaaryahan aad u fiican”.
Arsenal iyo Liverpool ayaa xagaagan oo dhan isku ceyrsanayay ciyaaryahanka reer Turki lakiin haatan waxa ay u muuqataa in ugu danbeyn Liverpool ay ku adkaaneyso saxiixisa amaahda halka sanno.