
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa soo xirtay maaliyada Blues intii u dhaxeysay 2004tii ilaa 2007dii, ka hor inta uusan ku biirin Real, halkaasoo uu ugu danbeyn ka sii aaday Bayern Munich xagaagii 2009.
“Dabcan waxaan soo garaacnay Madrid, oo aheyd koox kale oo aan hore ugu soo ciyaaray, waxaana rajeynayaa in Chelsea ay ku xigi doonto” ayuu Robben u sheegay uefa.com
“Mar walba wax gaar kuu ah ayay kuu noqoneysaa inaad ka hor imaado kooxahaagii hore, waqti fiican ayaana ku soo qaatay Chelsea, seddex sanno ayaan joogay guulo ayaana la gaaray waxaana ay aheyd waqti aad u weyn. Waa wax fiican inaan dib arko ciyaartoydii aan isla soo ciyaarnay, lakiin waxaan rajeynayaa inaan noqono kuwa farxi doona marka iyaga loo fiiriyo ciyaarta ka dib”
Finalka Champions League waxaa la ciyaari doonaa sabtida soo socota, iyadoo lagu balansan yahay Allianz Arena.