
Ciyaaryahanka reer Holland iyo asxaabtiisa Bayern Munich ayaa horyaalka iyo koobka DFP-Pokal waxaa ka qaaday Borussia Dortmund ka hor inta aysan guuldarro garoonkooda kula soo gaarin finalkii Champions League ee ay la ciyaareen Chelsea.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa rajeynayay inuu wax qaban doono Euro 2012, lakiin xulka Orange ayaa ku haray wareega Group-ka ka dib markii la garaacay seddexda kulan ee Group B.
“Waxa uu ahaa xili ciyaareedkii iigu xumaa nolosheyda” ayuu Robben u sheegay Goal.com
“Waxba iigama hagaagin Bayern Munich iyo xulka qaranka”: ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Si saa’id ah ayay ii dhawaceysaa sababtoo ah aad ayaan u faraxsanaa bilowgii xilli ciyaareedka. Hadii finalkii Champions League uu igu ahaa lama filaan, niyad jabka xulka qaranka iga soo wajahay ayaa ka sii ah lama filaan”.
“Xitaa ninka ugu niyada xun adduunka ma uusan u maleyneynin inaan wareega hore ku hareyno anagoo wax dhibic ah laheyn islamarkaana la inagala wada badiyay seddexda kulan”.