
Xiddiga lagu qiimeeyso 8da milyan ginni ayaa kabtan u ahaa Anderlecht isagoo ku hogaamiyay horyaalkoodii labaad oo isku xiga ee dalka Belgium, waxaana sidoo kale ciyaaryahanka aad u jecel tababaraha Real Jose Mourinho.
Laakiin macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa rajeynaaya inuu lasoo wareego 26 jirkaan kaasoo lix kulan u saftay dalkiisa.
Biglia ayaa Anderlecht kaga soo biiray kooxda Independiente 2006dii, isagoona hadda maanka ku haaya inuu u dhaqaaqo koox weyn.
“Real Madrid iyo Arsenal ayaa labadooba ila soo xiriiray, waana sugi donaa waxa dhaca.
“Weli qandaraas ayaan kula jira Anderlecht ilaa 2015, lakiin waa ogyihiin inaan qorsheynayo inaan baxo”.
“Hadii kooxuhu ay u soo bandhigaan qiimo sax ah, Anderlecht wey ii ogolaan doonaa inaan baxo.”
Ciyaaryahankii hore diirada ugu saarnaan jiray Liverpool ayaa sidoo kale waxaa xiiseynaya kooxaha Talyaaniga ee Napoli iyo Fiorentina