
Kooxda Gunners ayaa baadigoob ugu jirta inay xoojiso weerarkeeda bisha Janaayo, waxaana la rumeysan yahay inay dalab rasmi ah oo 20 milyan ginni ah ku dalbadeen xiddiga reer Spain.
Waxaana Mundo Deportivo ay sheegeysaa in tababaraha kooxda reer London Arsene Wenger uu ka laabtay xiisihii uu u hayay saxiixa weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente madaama ay iska qaab yihiin Olvier Giroud, waxaana taas bedelkeeda uu haatan diirada wada saarayaa soo xerogelinta Adrian oo markii hore uu u ahaa qorshaha labaad.
Inkastoo kooxda lagu naaneeso Los Rojiblancos ay ilkaha ku dagaalami doonto sidii ay ku ceshan lahaayeen 24 jirkaan inkastoo deyn badan lagu leedahay, hadana Arsenal ayaan si sahlan uga quusan doonin soo xerogelinta ciyaaryahanka bisha Janaayo.