
Goolhayaha reer Poland ayaa rajeynayay inuu kooxda ku soo laabto ka dib markii uu dhaawac garabka ah ku maqnaa tan iyo bishii Febraayo, laakiin waxa uu ka dhaawacmay haatan canqowga intii uu ku jiray tababarka.
Dhaawacan ugu danbeeyay ee 27 jirkaan ayaa waxa ay la micno tahay in goolhaye Vito Mannone oo xilli ciyaareed ku bilowday goolhaye seddexaad inuu sii wadan doono inuu shabaqa u sii waardiyeeyo Gunners, halka Damian Martinez oo 20 jir ah iyo James Shea oo 21 jir ah ay u fadhin doonaan.
Goolhayaha koowaad Wojciech Szczesny ayaa isagana seddex todobaad u jira inuu si buuxda uga soo kabsado dhaawacii canqowga ka soo gaaray.
Gunners ayaa geli doonta isbuucyo mashquul badan, iyadoo la sii galayo xilliga qaboobaha.
Sabtida waxa ay u safri doonaan Premier League kooxda Norwich, halka ay arbacada la ciyaari doonaan Champions League kooxda Schalke.
Ka dibna waxa ay ciyaari doonaan labo kulan kale oo London Derby ah oo ay la leeyihiin Fulham iyo Tottenham.