
Santi Cazorla ayaa Arsenal ugu soo wareegay heshiis aan la shaacinin inta uu ku kacayo isagoo ka soo dhaqaaqay kooxda Malaga oo haatan ku jirta xaalad dhaqaalo xumo.
Waxa uu qeyb weyn ka ahaa kooxdii Malaga ee xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta 4aad islamarkaana u soo baxday markii ugu horeysay Champions League.
27 jirkaan kubadsameeyaha ah ayaa 45 kulan u ciyaaray xulka Spain, waxaana uu qeyb ka ahaa xulkii ku guuleystay Euro 2008 iyo 2012.
Tababaraha Arsenal ayaa ku tilmaamay saxiixaan cusub mid muhim u ah kooxda, isagoo u waramayay website-ka kooxdiisa waxa uu yiri:
“Santi Cazorla saxiix weyn ayuu inoo yahay. Waa ciyaaryahan qibrad fiican ku leh koox iyo wadanba, waxaana uu tayo wanaagsan ku soo kordhin doonaa kooxdeena”.
“Waa ciyaaryahan kubadsameeye ah, kaasoo ka ciyaari kara labada garab ama khadka dhexe. Waxa uu leeyahay orod fiican iyo farsamo hibo ah, muhim ayuuna u yahay Arsenal Football Club”
“Waan ku faraxsanahay inuu nagu soo biiro”.
Cazorla oo loogu codeeyay 2007dii Isbaanish Player of the Year ayaa isna yiri:
“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro Arsenal. Kooxdaan waa koox ay joogaan ciyaaryahano waa weyn, waxa ay leeyihiin garoon fantastik ah, iyo taageerayaal aad u tiro badan”.
“Kooxda waxa ay leedahay mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican kubada cagta, qaab ciyaareedka kooxdana waxaa laga jecel yahay dunida dhan”.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub iyo sidoo kale Premier League. Waxaan isku dayi doonaa intii karaankeyga ah inaan Arsenal ka caawiyo inay koobab u tartanto islamarkaana aan ka farxiyo taageerayaasha”.
Cazorla ayaa ah saxiixii seddexaad ee weyn ee ay xagaagan la soo wareegto Arsenal, isagoo ku biiraya Lukas Podolski iyo Olivier Giroud.