Andre Santos ayaa labo fursadood oo dahabi ah ka qasaariyay Arsenal, iyadoo Gunners ay ka faa’ideysan weysay kubad heysashadooda qeybtii hore ee ciyaarta.
Kooxda Arsene Wenger ayaa la ciqaabay markii Azmi Muslim uu kubad quwad leh ku garaacay goolhaye Vito Mannone isagoo ka soo toogtay meel 25 yaardi u jirta goolka. Wenger ayaa bedelay 10 ciyaaryahan qeybtii hore, waxaana ciyaaryahanka da’da yar ee markaas la soo geliyay Benik Afobe uu la soo baxay qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo kubad birta ku dhuftay.
Iyadoo waqtigu sii socdo Arsenal ayaa waxaa u barbareeyay ciyaaryahanka Jarmalka Thomas Eisfeld, ka hor ita uusan Chuks Aneke u dhalin goolka guusha.
Arsenal ayaa la kulantay xiddigahan Malaysia sannadkii hore, iyadoo goolal ay dhaliyeen Aaron Ramsey, Theo Walcott, Tomas Rosicky iyo Carlos Vela ay si sahlan guusha ugu raacday kooxda Gunners.
Laakiin markaan sidii hore xaalka waa uu ka duwanaa, iyadoo Wenger uu tijaabiyay qaab ciyaareedka 4-3-3, waxaana uu u isticmaalay daafaca garabka ka ciyaara Santos, Gervinho iyo Marouane Chamakh weerarkiisa afka hore