
Gunners ayaa aad ugu baahan weeraryahan la yaqaano oo buuxin kara booskii uu baneeyay Robin van Persie.
Waxaana ay weydiisteen kooxda reer China hadii ay jirto hab ay dib ugu soo celin karaan 34 jirkaan magaalada London.
Gunners ayaa ka warqabta xaalada dhaqaale xumo inay soo wajaheyso Shanghai islamarkaana aysan awoodi karin inay bixiyaan mushaharka ciyaartoydooda ajnabiga ah sida Drogba iyo Anelka.
Drogba oo la rumeysan yahay inuu qaato 200 kun ginni isbuucii ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Liverpool.
Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho oo isna Drogba u soo iibiyay Stamford Bridge 2004tii ayaa isha ku hayay xiddigan reer Ivory Coast xagaagii.
Koox kasta oo xiiseyneysaba waxaa Drogba lala soo wareegi karaa hadii uu noqdo ciyaaryahan xor ah ama bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.