
Qandaraaska haatan ee Wenger ayaa dhacaya 2014, waxaana jiray shaki laga qabay hadii 62 jirkaan uu ka fariisan doono ciyaaraha, gaar ahaan ka dib markii kooxda ay muddo 7 sanno ah koob qaadi weyn weysay.
Lakiin madaxa kooxda Ivan Gazidis ayaa siiyay Wenger taageero weyn, isagoo sheegay in Arsenal ay dhabaha ugu jirto inay ku guuleysato koob iyo sidoo kale inay ku dhameysato afarta kooxood ee horyaalka ugu sareysa.
Gazidis ayaa yiri: “Ma ahan abaalmarin, waa aaminaad aan aminsanahay tababarahan cajiibka ah kaasoo jecel kooxda, waana ninka ugu fiican ee hore inoo dhaqaajin kara.
“Waxaan xaqiiqdii kalsooni ku qabnaa wadada ay kooxda u jiheysaneyso. Si xoogan ayaan ku soconaa waxaana aaminsanahay inaan si fiican u dhisanahay. Waxaan rajeyneynaa in Arsene uu qeyb ka noqon doono qorshaha aan hore ugu sii socono.”
Arsenal Wenger ayaa haatan sannadkii ka qaata Gunners mushahar gaaraya 7 milyan ginni.