
Tababare Arsene Wenger iyo madaxa kooxda Ivan Gazidis iyo Van Persie ayaa kulmi doono maalinta arbacada iyagoo kawada hadli doona heshiiskaan aadka loo hadalhaayo. Waxaan la rumeysan yahay in Van Persie oo haatan qaata mushahar gaaraya 70 kun ginni in loo soo bandhigi doono heshiis seddex sanno ah oo uu ku qaadan doono isbuucii 130 kun ginni, heshiiskaas ku dhow lacagtii ay qaadan jireen Thiery Henry iyo Cesc Fabregas, waxaana sidoo kale gacanta laga geli doonaa shan milyan ginni oo kaash ah hadii uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Arsenal.
Madaxda Arsenal ayaa ka warqaba in Van Persie iyo wakiiladiisa aysan si dhaqso ah go’aan u gaari doonin inkastoo Arsene Wenger uu hore u sheegay inuu doonayo jawaab ka hor bilowga Euro 2012.
Lakiin madaxda Arsenal ayaa rajo ka qaba in dhamaadka todobaadkan ay u kala cadaato in Robin van Persie uu mustaqbalkiisa kooxda u hibeyn doono iyo in kale.