
Giroud, oo 25 gool u dhaliyay kooxda qaaday xilli ciyaareedkii hore horyaalka France, ayaa ku jiray xulkii France ee Euro 2012, waxaana uu ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan horyaalka Ingariiska.
25 jirkaan ayaa tijaabada caafimaadka u maray Arsenal, waxaana uu ugu biiri doonaa heshiis ku kacaya 13 milyan ginni marka si rasmi ah loo saxiixo 1da bisha July.
Arsene ayaa u sheegay website-ka kooxdiisa: “Waxaan ku faraxsanahay inaan soo xero gelinay Olivier Giroud. Waa ciyaaryahan jir ahaan awood leh islamarkaana ku fiican kubadaha madaxa ah. Waxaan ku faraxsanahay inuu nagu soo biro, waxaana uu wax weyn ku soo kordhin doonaa weerarkeena xilli ciyaareedka soo socda”.
Giroud ayaa seddex jeer ka soo muuqday Euro 2012 inkastoo wadar ahaan uu ciyaaray 32 daqiiqo.