
Rossoneri ayaa kaliya leh 7 dhibcood 7 kulan oo ay ciyaareen, waxaana aku jiraan kaalinta 11aad ee kala sareynta horyaalka Serie A, laakiin inkastoo 45 jirka tababaraha u ah lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedka liita ee kooxda, hadana tababaraha Faransiiska ayaa aaminsan in qalad ay tahay in la bedelo.
“Dhamaanteen waa ay inoo cadahay in sidii la rabay aysan wax uga socon Milan. Si kastaba, waa muhim inay kalsooni ku sii qabaan Allegri” ayuu Wenger u sheegay Eurosport.
“Kaliya waa wax iska caadi ah inuu u baahan yahay waqti uu dib ugu dhiso kooxda ka dib markii ay ka tageen ciyaartoy sida Thiago Silva iyo Zalatan Ibrahimovic.
“Labada kooxood ee Milan ayaa u muuqda kuwa ka awood yar sidii aan uga baranay sannado yar ka hor, laakiin taas waxaa keenay dhaqaale xumida jirta.”
Milan ayaa kulanka soo socda ee horyaalka sabtida u safri doonta kooxda Lazio.