
Giroud ayaa xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kooxda horyaalka Faransiiska ee Montpellier, isagoo ka caawiyay inay qaadaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee Ligue 1, waxaana uu u dhaliyay 21 gool 36 kulan oo uu saftay, isagoo sidoo kale caawiye ka ahaa sagaal gool kale.
Waxaana qaab ciyaareedkaas uu keenay inuu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaro France bishii November sannadkii hore taasoo aaqirkii sababtay in lagu soo darro xulka France ee Euro 2012. Inkastoo uusan wax badan u ciyaarin Franmce hadana Wenger ayaa ku faraxsan imaanshaha ciyaaryahanka ee Emirates.
Ninka reer France ayaa u sheegay TF1: “Giroud wax badan ma uusan ciyaarin, lakiin boqolkiiba sagaashan waxa uu noqon doonaa xilli ciyaareedka soo socda ciyaaryahan Arsenal ah”.
“Waxa uu leeyahay mustaqbal wanaagsan, waxaana uu si aad ah u la qabsan karaa qaabka aan u ciyaarno”.
“Waa nin ka dhex muuqan kara koox, islamarkaana yaqaana sida ay isagu xirmi karaan ciyaartoyda kale. Waana hubaa inuu sidaas oo kale anaga noo sameyn doono”.
Wenger ayaa sidoo kale ka hadlay ciyaaryahanka kale ee uu soo xerogeliyay Lukas Podolski.
“Podolski shaqo fiican ayuu u qabtay xulka Jarmalka, si aad ah ayuu u la shaqeeyay kooxda inteeda kale. Mararka qaar waxa uu u ciyaaraa si ay taxadar ku dheehan tahay, lakiin waxa uu dhaliyay gool muhim ah kulankii Denmark kulankiisii 100aad ee Germany”.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay wixii aan ka arkay”.