
Lakiin markii TV-ga TF1 ay weydiisay Wenger inuu soo xerogelin doono ciyaaryahan kale oo uu ku bedelo Van Persie, Wenger waxa uu ku jawaabay: “Mar hore ayaan soo iibsanay ciyaaryahanadii aan ku bedeli laheyn”.
“Waa murugo inaan weyno ciyaaryahan awoodiisa oo kale leh. Hal sanno ayaa qandaraaskiisa uga harsaneyd, sidaasi darteed wado kale oo inoo furneyd ma aysan jirin”.
Van Persie ayaa ka diiday Arsenal bilowgii xagaagan inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal taasoo keentay inay haatan ka iibiyaan Manchester United halkii uu si bilaash ah kaga dhaqaaqi lahaa xagaaga soo aadan.
Waxaa lagu soo waramayaa in heshiiska ay kula soo wareegeyso United ee ay aqbashay Arsenal inuu gaarayo 24 milyan ginni.