
Arsene Wenger ayaa loo soo bandhigay inuu tababare u wada noqdo xulka Les Bleus iyo kooxda Gunners, waana uu iska diiday markale markii ay u soo dhawaadeen xiriirka kubada cagta France.
Tababaraha Gunners ayaa loo soo dhawaaday ka dib markii Laurent Blanc uu iska casilay shaqada xulka France sida laga soo xigtay L’Equipe.
Didier Deschamps oo isna ka tagay shalayto kooxda Marseille ayaa sidoo kale iska diiday shaqada xulka France, taasoo mar kale ku qasabtay in xiriirka kubada cagta France ay u soo jeestaan Wenger.
Lakiin Wenger ayaa iska diiday fursad ah inuu isku qabto shaqada kooxdiisa Arsenal iyo xulka France, isagoo ku sii sugnaanaya Emirates.