
Iyadoo ciyaaryahanka reer England uu qandaraaskiisa haatan dhacayo xagaaga soo socda, Gunners ayaa la rumeysan yahay inay u soo bandhigtay heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 95 kun euro.
Walcott ayaa inta badan kursiga keydka ku bilaabanayay xilli ciyaareedkan, waxaana tababaraha reer France uu qirtay inuu rajeynayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo arinta qandaraaska ciyaaryahanka.
“Ma aanan u soo xulaneynin line-upka, waa run taas, waana su’aal fiican in la isweydiiyo” ayuu Wenger u sheegay Daily Mirror.
“Waxaan weli rajeynayaa inuu saxiixo heshiiska cusub, labada bilood ee soo socota waa muhim, wixii intaas ka danbeeya xaalada waxa ay noqon doontaa mid ka sii adag.
“Aan rajeyno inaan xal u helno arintaan labada bilood ee soo socota, lakiin xaqiiqda ah inuusan boos joogta ah kooxda ka heysan haatan, lama micno ah inay xiriir la leedahay xaaladiisa qandaraaska.”