
Xulka Pual Bento ayaa waxa ay Group B kula jiraan Germany, Netherlands iyo Denmark, inkastoo ay group-ka kula jiraan labo xul oo ka mid ah xulalka loo sadaalinayo koobkaan, hadana Wenger ayaa aamisan in awooda shaqsiyadeed ee ciyaartoydooda inay ka caawin karto sidii 2004tii markii ay finalka gaareen.
“Portugal waxa ay heystaa Cristiano Ronaldo, lakiin sidoo kale waxa ay heystaan Nani iyo ciyaartoy kale oo tayo leh” ayuu Wenger u sheegay website-ka kooxda Arsenal.
“Waxa ay noqon karaan xul dadka ka yaabsada. Lakiin madaama aysan waxba qabanin koobabkii ugu danbeeyay kuma jiraan xululka ugu cadcad koobkaan”.
Inkastoo uu Wenger amaanay Portugal, hadana ninka Faransiiska ah ayaa qirtay inuu filanayo inay Groupka ka soo baxaan Germany iyo Netherlands.
“Shilin kor u tuur, ka dibna ii sheeg cida ka soo baxeysa Group-ka” ayuu yiri Wenger oo ugula jeeda inay adag tahay in si cad loo far muuqo xulalka ka soo bixi kara Group-ka dhimashada.
“Holland iyo Jarmalka waa xulalka labaad ee ugu cadcad koobkaan ka dib Spain. Holland iyo Germany ayaana ugu cadcad inay ka soo baxaan group-ka” ayuu yiri.