
Gunners ayaa bartanka kaga jirtay shan kulan oo xiriir ah oo aan laga badinin tartamada oo dhan, waxaana laga dhaliyay kaliya hal gool afar kulan oo Premier League ah oo ay ciyaareen.
Arteta ayaana rumeysan hadii Gunners ay seddex dhibcood kale ku sii darsato axada, inay si rasmi ah u noqon doonaan koox loogu texgeliyo tartanka horyaalka ee xilli ciyaareedkan.
“Waa xilli hore weli in laga hadlo tartanka horyaalka, wax kasta oo dhaca axada, ma u maleynayo iany wax weyn bedeleyso” ayuu ciyaaryahanka khadka dhexe u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Lakiin hadii aad dhibcaha halkaas ku soo hesho, islamarkaana aad guuleysato, waxaad banaanka soo dhigeysaa araahdaada la xiriirta tartanka horyaalka.
“Tijaabo weyn ayay inoo tahay. Si fiican ayaan u ciyaareynay. Waxaan u ciyaarnay si fiican markii aan booqanay Liverpool, waana meel ay adag tahay in seddex dhibcood lagu soo qaato, lakiin waan sameynay.
“Kulankaana waa tijaabo kale, Man City garoonkeeda loogama badin in muddo ah. Waan ka warqabnaa inay adkaan doonto inaan ka badin, lakiin waxaan hubaa iyagana inay sidaas ku fekerayaan.
“Guul aan ka gaarno waxa ay inoo sii kordhineysaa kalsoonida kooxda iyo cid walba oo ku hareereysan oo aan aaminsan inaan u fiicanahay sida kooxaha kale ee horyaalka ku tartamaya. Meelahan oo kale ayayna ku fiican tahay in lagu soo bandhigo.”